Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Wax aan laga fileyn ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Rooble

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay xili dambe fariin muuqaal ah oo laga soo duubay si dabacsan uga hadlay dagaalkii saacadaha badan socday ee ka dhacay Muqdisho.

Rooble ayaan marnaba ka hadlin waxa sababay dagaalkan oo ahaa mudo kororsiga dowlada sameesatay, waxa uu sidoo kale amar siiyay ciidamada dowlada isagoo dhanka kalana ku baaqayay wadahadal .

Wasiirka Amniga Galmudug Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa wax aan laga sugeyn ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Rooble, waxa uuna xusay in Ra’isul Wasaaraha laga rabay in door intaas ka badan ciyaaro .

”Xalay fariintii halka daqiiqo ahayd ee timid dagaal 24 saac qiyaastii socday ka dib, kama turjumayn dareenka dadka Muqdisho iyo kuwa uu raysulwasaaraha u yahay Rooble oo weeraro gardarro ah oo muddo kordhin xukun oo qasab ah daba socday lagu qaaday hogaamiyaal diiday muddo kordhin sharciga hareermarsan, Raysulwasaaruhu inuu kaalin intaas ka balaaran cayaaro waa laga sugayey, hadal ka duwan kan wasiirkiisa amniga waa laga sugayey laakin marnaba loogama fadhin inuu dafiro waxa keenay isku dhacyada hubaysan iyo inuu amaano ciidamo amar qaldan fulinaya oo magaalo xasiloon qalalaase ka samayanaya kuwaasoo furimihii Alshabaab laga soo bixiyey! ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hadalka kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa siyaasiyiinta iyo bulshada Muqdisho oo siyaabo kala duwan uga hadlay ku tilmaameen mid aan micno ku fadhin uuna lumiyay Ra’isul Wasaaraha kaalintii laga filayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Uhuru Kenyatta oo ka carrooday askar tagtay Guriga wiilkiisa farriina u diray Madaxweyne Rutu

Cabdi Cade

Shuruud yaab leh oo lagu xiray dadka qaadanaya dhalashada dalka Jarmalka

Caydiid Ali

Doorashadii Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug oo soo idlaatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---