Allbanaadir.com
NEWS

Qorshe la doonayo in AMISOM ku dhax gasho ciidamada ku dagaalamay Muqdisho oo socda

Waxaa socda dadaalo ay wadaan wakiilada beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya kuwaa doonaya in mar kale laga hortago in magaalada Muqdisho ka dhacaan dagaalo xoogan oo lamid ah kuwii shalay iyo xalay dhacay.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa xarunta Xalame kula kulmay wakiilo katirsan Midowga Afrika iyo saraakiisha AMISOM, waxa ayna kala hadleen suurto galnimada in ciidamo katirsan AMISOM lakala dhax dhigo ciidamada iska soo horjeeda.

Ciidamada AMISOM ayaa hada ku sugan xarumaha iyo saldhigyada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ciidamadan ayaana shalay iyo xalay kor kala socday dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa taabacsan Musharaxiinta mucaaradka.

Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah waxaa isku hor fadhiya ciidamada dowlada iyo kuwa kasoo horjeeda mudo kororsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dagaalamaan ciidamada iska soo horjeeda.

Dagaalkii xalay iyo shalay ka socday magaalada Muqdisho ayaan wali jirin wax heshiis ah oo laga gaaray, waxaana wali labada ciidan ee iska soo horjeeda wadaan hub aruursi iyo abaabul dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka wiil Soomaali ah oo laga helay xabsi ku yaalla Germany & baaritaan socda

Caydiid Ali

Xageey Soomaalidu Iska Qaban La’dahay xili Madaxda Iyo Mucaaradka Dalalka Deriska ay Heshiiyeen?

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin iyo haweeney walaalo ahaa (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---