Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal culus oo dib uga qarxay Sudan iyo Xabbad-joojintii oo…

Dagaal culus iyo duqeymo ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacayaan mgaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan, waxaana mar kale bur burtay xabbad-joojin saacadihii lasoo dhaafay ay ku heshiiyeen labada dhinac ee dagaalamaya.

Diyaaradaha dagaalka milatariga Sudan ayaa duqeymo culus ku garaacaya farriisimo magaalada Khartuum ka joogaan ciidamada RSF , waxaana goobaha qaar laga maqlayaa rasaas culus ay labada dhinac is dhaafsanayaan.

War kasoo baxay milatariga Sudan ayaa lagu sheegay inay weerar ku qaadeen farriisimo ay joogeen ciidamada kasoo horjeeda si ay u baabi’iyaan , waxa ayna ciidamada kasoo horjeeda ku eedeeyeen kuwa cadawga u adeegaya.

Dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 500-qof oo shacab ah, waxaa sidoo kale dagaalkan ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, magaalada Khartuum iyo magaalooyin kale ayaa si weyn looga qaxay.

Jeneraalada isku haya awoodda dalka Sudan ayaa kabiyo diidan in khilaafka u dhaxeeya ku dhameeyaan wadahadal shuruud la’aan ah, waxa ayna labada Jeneraal oo mar aad isugu dhawaa hadda midbo kan kale doonayaa in uu meesha ka saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -