Maxay tahay digniinta culus ee Madaxweyne Putin siiyey dalalka reer Galbeedka?

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa waxa uu ka digay inuu si degdeg ah oo adag u wajihi doono dalkasta ee ku soo xadgudba waxa uu ugu yeeray “khadadka casaanka” ah.

Ma uusan sheegin waxa uu ula jeedo khadadka casaanka ah.

Khudbaddiisa sanadlaha aheyd ee uu qarankiisa u jeediyo ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli ay si wayn u sii xumaanayso xiriirkii uu dalkiisa la lahaa reer Galbeedka.

Dalal uusan magac dhabion ayuu ku eedeeyay inay Ruushka beegsanayaan, halka Moscow uu sheegay inay doonayso oo kaliya xiriir caalami ah oo wanaagsan.

Inta badan khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay arrimaha gudaha ee dalkiisa. Mr Putin ayaa waxa uu ku booriyay dadka inay qaataan tallaalka fayraska korona, waxa uuna ballanqaaday inuu xoojin doono dhaqaalaha soo gala, kaasoo uu waxyeeleeyay cudurka safmarka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -