IGAD oo War ka soo saartay xaalada murugsan ee Siyaasada Somalia (Akhriso)

War saxaafadeed uu soo saaray Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada siyaaadda Soomaaliya iney isugu yimaadaan wada hadalka, si loo gaaro is faham siyaasi ah oo la xiriira hir gelinta doorasho wada ogol ah.

IGAD ayaa soo dhoweysay hindisaha la soo jeediyey ee ah in dib loo furo wadahadalka saamilayda siyaasada Soomaaliya, si loo xaliyo ismari waaga ka taagan doorashada.

Qoraalka IGAD ayaa waxay ku sheegtay in Wadahadalku uu yahayĀ  geedi socod muhiim ah oo dhaliyaĀ  kalsooni iyo dhammaystirka dhammaan arrimaha hortaagan doorashada.

IGAD waxay ku dhiiri galisay dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, ayna dib u galaan wada hadal furan oo wax ku ool ah iyadoo la fiirinayo danta ugu jirta dadka Soomaaliyeed.

Waxay kaloo si aad ah ugu boorisay dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojinaysa xiisadaha ama isku dhac keeni kara.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA IGAD OO ENGLISH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -