Dowlada oo shaacisay in Duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan Ururka Al Shabaab

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Duqeyntan ay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacday deegaanada Tawakal iyo Ugunji oo hoostaga degaanka janaale ee gobolka Shabeelaha hoose.

Saraakiisha ciidanka dowlada ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay sadex sargaal oo katirsan kooxda Al Shabaab iyo shan dagaalyahan oo kale kuwaa oo ku sugnaa deegaanada duqeynta lala eegtay.

Xubnaha sare ee Al Shabaab duqeynta looga dilay waxaa kamid ah Khaalid Cabdulaahi oo saraakiisha milatariga Soomaaliya sheegeen in uu ahaa sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa canshuuraha yo Macalin Yuusuf oo katirsanaa Amniyaadka Al Shabaab.

Dowlada Mareykanka ayaan wali war kasoo saarin duqeyntan ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Mareykanka marar badan duqeymo ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -