Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Farxaan Qaroole oo loogu baaqay in uusan aqbil xilka loo magacaabay

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Gen, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir u magacaabay taliyihii hore ee ciidamada Haramcad Farxaan Qaroole kadib markii uu xilka ka qaaday Saadaq Joon.

Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo horey u ahaa Gaashaanle Dhexe ayaa si deg deg ah loogu dalacsiiyay Janaraal kadib markii loo magacaabay taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir .

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay taliyaha cusub ee loo magacaabay booliiska gobolka Banaadir in uusan aqbalin xilka loo magacaaby uu ku tilmaamay xil gumeed.

”Ha qaadan xil gumeed, hana maqlin warka hoggaamiye kooxeed Farmaajo. Ninkaas gabalkiisa waa dhacay.” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo klale la filayaa in war kasoo saaraan isbadalka ka dhacay taliska booliiska gobolka Banaadir iyo qorshaha mudo kororsiga ay wadaan Baarlamnaanka iyo Villa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/Wc4_1ec0aMc

Related posts

Ciidamo katirsan Birmadka Madaxtooyada Puntland oo dhoolo tus sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gaadiid lagu xiray qalab ka hortagaya qaraxyada oo loogu deeqay dowlada Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo Turkiga ka dalbatay in la baaro Soomaali ku geeriyootay Xadka Turkiga iyo Gariiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---