Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa kasoo kordhay kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka yeelan lahaayeen ?

Waxaan wali xarunta Villa Hargeysa ee ku dhaxtaala xeyndaabka Villa Soomaaliya ka furmin kulankii maanta la filayay in ay yeeshaan Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarmanaanka waqtigiisu dhamaaday.

Kulanka maanta oo la filayay in uu furmo 9-ka subaxnimo ayaan wali furmin , waxaana xarunta golaha shacabka gaaray tiro Xildhibaano ah halka qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka aysan wali tagin xarunta.

Wali lama oga in kulanka Baarlamaanka uu furmi doono iyo in kale, waxaana shaki badan la galinayaa in uu qabsoomo kulankan oo maanta ajandihiisu ahaa ka doodista mooshin ka dhan ah heshiiskii doorashooyinka ee 17-da September.

Taliyihii xilka laga qaaday ee booliiska Gobolka Banaadir ee Jenaraal Saadaq Joon ayaa saakay is hortaag ku sameeyay in Xildhibaanada golaha shacabka ku shiraan xarunta Villa Hargeysa, waxa uuna shaaciyay in uu kulanka baajiyay.

Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka maanta yeelan lahaayeen ayaa la hadal hayay in Xildhibaanada ay sameesan doonaan labo sano oo mudo kororsi ah taa oo horey uga digeen siyaasiyiinta Mucaaradka iyo wakiilada beesha Caalamka ee Soomaaliya jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/Wc4_1ec0aMc

Related posts

Ciidanka Booliska DF oo War ka soo saaray halka uu marayo kiiska dilkii Xamdi Maxamed

Caydiid Ali

Xaggee ku dambeeyey kiiska Ikraan Tahliil ka dib heshiiskii Farmaajo & Rooble?

Caydiid Ali

Trump oo Nigeria ku amaanay talaabada ay dalkeeda kaga Mamnuucday Twitter

Caydiid Ali
Taboola Ads ---