Sacuudiga oo xukun daldalaad ah ku fuliyey Saddex askari oo lagu eedeeyey..

Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ugu fulisay saddex askari “khiyaano qaran”, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda gaashaandhigga, oo ku eedeysay inay la jirsadeen cadow aan la shaacin.

Dilkan ayaa yimid ayada oo ololaha militari ee Sacuudiga uu hoggaaminayo uu kasii xoogeystay dalka deriska ah ee Yemen, islamarkaana dhaxal-suge Mohammed bin Salman uu xajistay awoodda.

Saddexda askari ayaa waxaa lagu helay “dambi ah khiyaano qaran oo weyn iyo la shaqeynta cadowga, taasi oo halis gelineysa boqortooyada iyo danaheeda militari,” sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda oo ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga.

War-saxaafadeedka ayaa magacyada saddexda askari ku sheegay Mohammed bin Ahmed, Shaher bin Issa iyo Hamoud bin Ibrahim – ayada oo aan la shaacin cidda ay tahay cadowga ay la shaqeeyeen.

Sacuudi Carabiya ayaa Iran u aragtay cadowgeeda koowaad ee gobolka, halka Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto loo arko inay halis weyn oo amni ku yihiin boqortooyada.

War-saxaafadeedka wasaaradda ee lagu shaaciyey dilka saddexda askari ayaa ah mid naadir ah, ayada oo boqortooyada lagu yaqaan inay si weyn u qariso arrimaha ciidamada.

 

- Advertisement -