Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo qabtay gaari qarax laga soo buuxiyey iyo ninkii waday (Sawirro)

Taliska Booliska Somalia ayaa soo bandhigay gaari waxyaabaha laga soo buuxiyey oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay degaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabteen Gaari nuuciisu yahay Leylo calawi (Land cruiser) kaasoo lagu soo raray waxyaabaha Qarxa.

Waxaa uu intaas ku daray in sidoo kale la qabtay ninkii watay gaarigaas oo sidii kale laga soo saaray gudihiisa 10 caag oo ay ka buuxeen budada loo adeegsado qaraxyada ee loo yaqaano TNT

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay gaarigaas la doonayay inuu lagu halaago Shacabka caasimadda Muqdisho balse nasiib wanaag ay ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen xalay fiidnimadii.

HOOS KA DAAWO VIDEO IYO SAWIRRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo loogu deeqayo lacag gaareysa 48 milyan oo Euro iyo waxa lagu qabanayo oo…

Cabdi Cade

Aqalka Sare oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha (Magacyada)

Cabdi Cade

Bidaar saf mar ah oo ka dilaacday gobol ka tirsan dalka India

Caydiid Ali
Taboola Ads ---