Cabdirashiid Janan & ciidankiisa oo loo qabtay iney 24 saac kaga baxaan Mandhera

Xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta Soomaalida Kenya ee laga soo doorto degmada xadka ku taalla ee Mandhera oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa mar kale sheegay inaysan ogolayn joogitaanka ciidamada uu hogaaminayo C/rashiid janan ee ku sugan Mandhera.

Ciidamadan oo beryahanba joogay xadka B/xaawo iyo Mandhera ayaa shalay dagaal looga soo saaray Barta 1-aad ee xuduuda Kenya iyo Somalia, kaddib markii ay ka itaal roonaadeed Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa gaarka ah ee Haramcad oo oo halkaas ku weeraray.

”Mas’uuliyiinta Kenya waa inay soo farageliyaan arrintan, maleeshiyaadkan baxsadka ah waa inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Mandhera.” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya oo laga soo doorto

”Haddii ay bixi waayaan waxaan ugu tegaynaa xeryohooda. Cabi Janan haddii uu weli Degmadan joogo waa inuu dhaqse uga baxaa Mandheera 24 saac ayaan u qabanay. Meeshani goob dagaal uma aha maleeshiyaad shisheeye oo dalkooda dembi ka soo galay” ayuu intaas ku daray.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay ku barakaceen qoysas fara badan oo ku noolaa Mandhera, waxayna xuseen in dhibaatadaas aysan u dulqaadan doonin.

“Haddii dowlada Kenya maleeshiyadka Janan ka saari weyso Mandhera, shacabka waxaan ugu baaqeynaa iney kacdoon sameeyaan, xoogna uga saaraan degaankooda ninkaas iyo ciidamadiisa” ayuu yiri xildhibaan kale oo ka mid ah kuwa laga soo doorto Mandhera.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha degmada Mandhera Cali Roba ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay xadka uu halis geliyey shacabka degmadaas iyo shaqaalaha maamulka.

“Dhammaan shaqaalaha maamulka degmada ayaa la fasaxay inta xaaladu ay caadi ku soo laabaneyso, marka laga reebo kuwa caafimaadka iyo dab demiska” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Mandhera.

C/rashiid Janan iyo ciidamadiisa oo gabaad ka dhiganaya Degmada Mandhera ayaa haatan u muuqda in cadaadis xooggan uu ka soo wajahayo siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta Mandhera oo dowlada Kenya culeys ku saaraya iney halkaas ka saarto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -