Erdogan oo xabsiga u taxaabay Saraakiil qorsheynayey afgembi cusub

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku eedeeyey tobaneeyo taliyeyaal hore oo ciidamada badda ah inay isku dayeen afgambi siyaasadeed.

Saraakiishan hore ayaa ka hor yimid qorshaha uu Erdogan ku dhisayo marin-biyood isku xira Badda Madow iyo Maditarenianka.

Booliiska ayaa xiray 10 taliye oo ciidamada badda ah, kuna amray afar kale inay isa soo dhiibaan kadib markii ay daabaceen warqad furan oo ay ku dhalleeceeyen dhismaha Canal Istanbul.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ka carreysiiyey warqadda ay dhammaadkii toddbaadka daabaceen 104 admiral oo horey uga tirsanaa ciidamada badda, kuwaas oo ku booriyey inuu u hoggaansamo Xeerka Montreux Convention ee 1936-kii.

Xeerkan ayaa diidaya in aag militari laga dhigo badda Balck Sea, wuxuuna dejinayaa sharciyo adag oo maamula maraakiibka ku safreysa marinada Bosphorus iyo Dardanelles.

Hase yeeshee qorshaha Erdogan uu ku dhisayo marin cusub oo 45-km ah oo maraakiibta ay maraan, kuna yaala galbeedka Bosphorus ayaa furaya su’aal ku saabsan haddii Xeerka Montreux Convention lagu daabaqi doono kanaalka cusub.

Taariikhda Turkey ee kadib Cusmaaniyiinta ayaa waxaa la degay afgambiyo ay sameeyeen militariga oo isku arka inay yihiin kuwa uga dambeeya ee damaanad qaada nidaamka cilmaaniyadda ee dalkaas Muslimka ah.

“Dal taariikhdiisa ay ka buuxdo afgambiyo, isku day afgambi oo kale oo ay sameynayaan admiraallo howlgab noqday marnaba lama aqbali karo,” ayuu yiri Erdogan kadib kulan uu la yeeshay kaaliyayaashiisa sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -