Khilaaf ka taagan cida sugeysa Amaanka Teendhada Afisiyooni oo beri shir ka furmayo

Waxaa beri oo sabti ah lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ka furmo shir beesha Caalamka garwadeyn ka tahay oo isugu imaanayaan Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaana la sheegay in Beesha caalamka ku cadaadisay Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada isugu yimaadaan, waxaana inta badan la isku afgartay ajandayaasha shirkaasi oo ah mid albaabada u xiran looga doodi doono.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in khilaaf xoogan hada ka taagan yahay cida sugeysa amaanka teendhada shirka ka dhacayo iyo sida loo xakameenayo ilaalada ay wataan madaxda Dowlada federaalka.

Ciidamada AMISOM ayaa horey loo qorsheeyay in amaanka guud ee goobta la wareegaan hasa ahaatee waxaa khilaaf ka taagan yahay tirada ilaalada dharcada ay goobta la tagayaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Labo kulan oo saraakiisha AMISOM iyo UN-ka ee qaabilsan sugitaanka Amniga shirka berri ay si gaar gaar ula kala yeesheen saraakiisha Amniga Madaxtooyada iyo kuwa Jubbaland iyo Puntland ayaan wali si rasmi ah looga heshiin qaabka loo sugayo amniga teendhada madaxdu ku shireyso iyo qolo kasta tirada ciidan ama dharcad loo ogolyahay.

Khilaafka xoogiisa ayaana u dhaxeeya Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada Puntland iyo Jubbaland, saraakiil katirsan ciidamada AMISOM ayaana wada dadaalo lagu xalinayo khilaafka ka taagan sugitaanka amaanka teendhada Afisiyooni.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay in kalsooni badan ku qabin in madaxweynaha Soomaaliya ciidamo badan goobta la tago iyagana loo diido in ilaaladooda ay la tagaan goobta shirka.

Beesha caalamka ayaana wada dadaaladii ugu dambeeyay ee ku dooneyso in uu qabsoomo shirka looga hadlayo khilaafka doorashada ka taagan ee yeelanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -