Maraykanka oo daad gureeyey shaqaalihiisa Safaarada uu ku leeyahay Rangoon

Maraykanka ayaa sheegay inuu kala baxay dhamaan shaqaalahiisa ka joogay safaaradda uu ku leeyahay magaalada Rangoon ee dalka Myanmar

War kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa shheegay in shaqaalahooda ay ka saareen dalkaas waxaana safaaradda ku haray ciidamo ka tirsan DF oo illaalo ah oo kaliya.

Maraykanka ayaa sheegay inuu xiriirkii ganacsi u jaray militariga afgambiga ku qabsaday talada dalka Myanmar bilowgii bishii hore ee Febraayo.

Dhanka kale rabshadaha ay dhigayaan dadka dibad-baxayada ka dhanka ah militariga ayaa sii xoogaystay waxaana ciidamadu sidoo kale maanta toogteen illaa 6 ruux magaalada Yangoon.

Ugu yaraan 91 qof oo ay caruur ku jiraan ayaa la dilay maalin kaliya, tiradaasi oo ay diiwaangalisay hay’adda caawiso dadka u xir-xiran siyaasadda ee loo soo gaabiyo (AAPP).

Waxaa lagu tilmaamay in ay Sabtidii hore ay ahayd ahayd maalinkii ugu dhimashada badnaa tan iyo intii ay dibadbaxyada ka bilaabmeen dalka Myanmar.

“Waxay noo dilayaan sidii Shinbiraha iyo Digaaga oo kale, xitaa anaga oo guriyaha ku sugan ,”waxaa sidaasi wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Thu Ya Zaw oo ku sugan magaalada Myingyan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -