Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare ku-xigeenka oo daahfuray barmaamij loo bixiyey “Fogaan-dersi”

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay maanta daahfurtay Barnaamij cusub oo loogu magac daray kaas oo ardayda Soomaaliyeed u sahlaya in ay waxbarashadooda sii wataan inta ay Iskuullada u xiran yihiin Caabuqa Karoona Feyris.

Barnaamij fogaan-dersi oo ay ardaydu qaab Online casharadii iskuulka kala socon karaan ayaa ka kooban 2030 Cashir oo ka bilaabanaya fasalka 1-aad dugsiga Hoose Ilaa Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe.

Barnaamijkan oo ay diyaariyeen khubaro Soomaaliyeed oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada hirgelintiisana ay Wasaaradda ka taageereen Hay’adaha GPE, Save the Children iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed oo qaab fogaan-arag ah uga qeyb galay munaasabaddan ayaa si rasmi ah u daahfuray Barnaamijkan Fogaan-dersiga ah ee ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Xasan Macalin oo saddex dhacdo ka raaligaliyay xildhibaannada Golaha Shacabka

Cabdi Cade

(Sawirro) Shiikh Aadan Madoobe oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---