Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Shiikh Aadan Madoobe oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho tacsi ugu tagey Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadii Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq geeriyootay.

Guddoomiye Sheekh Aadan, ayaa murugada xanuunka leh la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq, isagoo Alle uga baryey inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo.

Innaa Lillahi wa inna Illaheyhi Raajicuun Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, oo shalay la geeyey gurigeeda dhabta ah waxaan rabi u weeydiineynaa in uu hoygeeda ka dhigo jannadii Firdowsa dhamaan ehelka iyo qaraabada samir iyo iimaanna uu ka siiyo”

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in marxuumada loo duceeyo waxaana uu Alle u baryey in uu Jannadiisa ka waraabiyo.

Related posts

Madaxweyne Biixi oo si adag uga jawaabay Amarkii kasoo baxay DFS

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo qodob muhiim ah kala hadlay dhigiisa Nikola Selakovic

Caydiid Ali

Iran: “Jawaabtu sidan wey ka adkaan doontaa, haddii ay Israel sameyso qalad kale”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---