Taliyihii labaad ee ka tirsan Booliska Muqdisho oo ka horjeestay muddo kororsiga

Taliyihii Booliska degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Faarax Cadaani ayaa isku dhiibay Ciidanka diidan muddo kororsiga Farmaajo.

Wararku waxaa ay sheegayaan inTaliyuhu uu isku dhiibay Ciidanka ka gadoodsan muddo kordhinta Farmaajo ee fariisimaha ka sameystay Fagax iyo Sanca.

Maamulka Degmada Yaaqshid kama hadlin talaabada uu qaaday Taliye Caddaani, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir oo ay kaga hadlayaan Taliyeyaasha is dhiibay galabta.

Taliyihii Booliska degmada Yaaqshiid ayaa noqonaya taliyihii labaad ee ka goosta Booliska Somalia iskuna dhiiba mucaaradka, galabta ayey aheyd markii taliyihii Booliska degmada Shibis uu sidoo kale isku dhiibay ciidanka diidan muddo kordhinta ee ku sugan aaga Mirinaayada ee degmada Cabdicasiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -