Maraykanka oo amar adag siiyey Madaxda dowlad goboleedyada ee Muqdisho ku sugan

Safaarada Maraykanka ee Somalia ayaa amar culus ku soo rogtay madaxda dowlad goboleedyada oo haatan ku wada sugan magaalada Muqdisho.

Danjiraha Maraykanka ee Somalia Donald Yamamoto oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa amar ku siiyey shanta madax goboleed ineysan ka bixi karin Muqdisho illaa heshiis laga gaaro doorashada.

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho iminka , Saciid Deni, Axmed Madoobe,Qoor Qoor ,Cali Guudlaawe iyo Laftagareen waa inay Muqdisho joogaan ilaa heshiis laga gaaro,guuldarada ma ahan jid furan” ayuu qoraalkiisa ku yiri danjiraha Maraykanka.

Hadalka danjiraha Maraykanka ayaa ku soo beegmay xili beesha caalamka ay qabanqaabineyso shir kama dambeys ah oo heshiis looga gaarayo khilaafka doorashooyinka ka taagan kaasoo maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -