James Swan iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kawada hadlay arimo muhiim ah (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo howlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ayaa maanta Hoyga uu degan yahay ku Qaabilay Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Ambasador Jemes Swan.
 
Kulankaan ayaa aad looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan muhiimada ay leedahay in isfaham buuxa laga gaaro qabsoomida Doorashoooyinka lagu wada qanacsanyahay.
 
Sidoo kale Kulankan waxaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Hirshabeelle gaar ahaan fatahaadaha maadaama laguda galayo xili roobaadka iyo sidii Qaramada Midoobay gacan uga geesan laheyd fatahaadyada soo noq noqday.
Wakiilka Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya James Swan ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda maamul goboleedyada, waxa uuna kala hadlayay shirka looga hadlayo arimaha doorashada ee la filayo in ay ka dhacdo Teendhada Afisiyooni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -