(Daawo Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 15 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qaraxyadii maanta lagu weeraray Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya sida ay sheegeen Kooxaha gurmadka deg deg ah, iyadoo 20 kale la dhigay goobahaa caafimaadka

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeen Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda, Shaqaallo ka mid ah Wasaaradda, Shacab goobta maraayay iyo afar ka mid ah Kooxdii Weerarka soo qaaday.

Kooxda Weerarka qaaday Qaraxyadda ka dib ayaa la sheegay in ay wateen dharka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan iyo khasaare.

Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya, maamul goboleedyadda iyo qaar ka mid ah dalalka Caalamka ayaa siyaabo kala duwan u cambaareeyey Qaraxyadii Muqdisho oo masuuliyadooda ay sheegatay al-shabaab.

Hoos ka daawo sawirada sida maanta jawigu ahaa:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -