Shirka uu Madaxweyne Farmaajo Iclaamiyay oo arin lagu qoslo lagu tilmaamay

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo ayaa mar kale iclaamiyay shir looga hadlayo arimaha doorashada ay isugo imaanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Shirkan uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho joogaan Madaxda dowlad goboleedyada kuwaa oo u yimid ka qeyb galka shir arimaha doorashada looga hadlayo ay gadaal ka riixayaan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa arin lagu qoslo ku tilmaamay shirkan uu mar kale iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo , waxa uuna sheegay in iclaaminta shirkan daba socoto fariin kulul oo katimid dowlada Mareykanka.

”Waa arrin lagu qoslo in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday si uu isaga dalfiyo fariinta kulul ee uga timid Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka, in uu shir uusan sharciyad u haysan isugu waco rag maalmo badan Magaalada dhinac ka joogo.” ayuu yiri Mr Warsame.

Shirkan cusub uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa la shaacin goobta uu ka dhacayo, waxaana horey u socday abaabulka shirka ay gadaal ka riixayaan beesha Caalamka oo la qorsheeyay in uu ka dhaco xeendaabka garoonka Aadan Cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -