Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saamiya Suluhu Hassan oo loo dhaariyey Madaxweynaha cusub ee Tanzania (Sawirro)

Saamiya Suluxu Xasan ayaa maanta loo dhaariyay in ay noqotay haweeneydii ugu horeysay oo Tanzania Madaxweyne ka noqota, ka dib geeridii madaxweynihii dalkaas John Magufuli.

Gabadhan 61 sano jir ah ayaa aheyd Madaxweyne ku-xigeenkii dalkaas, sida u dastuurka qaba marka Madaxweynaha geeriyoodo waxaa xilka qabanaysa ku xigeenkiisa.

“Anigoo ah, Saamiya Suluxu Xasan, waxaa balan qaadayaa in si daacad ah aan u ilaaliyo  dastuurka Tanzania,” ayay tiri Saamiya.

Saamiya ayaa  ku dhalatay Jaziiradda Zanzibar ee badweynta India ee ka tirsan dalka Tanzania, waxayna siyaasadda ku jirtay 20 sano ee la soo dhaafay, waxay aheyd gabar udub dhexaad u ah xisbiga talada haya ee CCM, madaxweynihii geeriyooday ee John Magafuli ayaa madaxweyne ku xigeen u doortay 2015.

Bishii October, ee sanadkii hore ayaa mar kale dib loo doortay, doorasho ay hareysay wax isdabo marin iyo eedeymo kale, iyadoo noqotay madaxweynihii 6 aad ee Tanzania.

https://youtu.be/TF7oLuHAExU

Related posts

Akhriso :10- Su’aal oo adag oo Ra’isul Wasaare Kheyre lagu weediinayo Mareykanka

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Mareykanka iyo Xog ku aadan ujeedka socdaalkiisa

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo ka hadashay Shirka Dhuusomareeb baaqna u dirtay Jubbaland iyo Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---