Dowlad Afrikan ah oo Ciidamo Keyd ah usoo direysa Soomaaliya si ay uga howlgalaan

Dowlada Uganda ayaa shaacisay in Soomaaliya usoo direyso ciidamo kamid ah kuwa u keydsan, ciidamadan ayaa loo furay tababar dheeraad ah oo loogu diyaarinayo sidii ay uga howl gali lahaan gudaha Soomaaliya .

Ciidamadan Uganda usoo direyso Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay 2,752, waxaana ciidamadan bedeli doonaan ciidamo kale oo katirsan howlgalka AMISOM kuwaa oo ku sugan Soomaaliya una dhamaanayo waqtiga howlgalkooda.

Xarunta tababarada taageerada Nabadda ee Singo, ayaa lagu diyaarinayaa ciidamadan keydka ugu jiray dowlada Uganda ee loo soo dirayo Soomaaliya , waxaana ciidankan la filayaa in ay ka howlgalaan qaar kamid ah gobolada dalka.

Dalka Uganda ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga kumanaan askari oo katirsan ciidamada AMISOM, waxaana ciidamada cusub ee Uganda usoo direyso Soomaaliya kusoo aadayaa xili wax horumar ah aysan sameen ciidamada AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -