Samia Hassan oo loo dhaarinayo Madaxweynaha Tanzaaniya kadib geeridii Magufuli

Madaxweynihii wadanka Tanzaniya John Magufuli, ayaa maalmo kadib xanuun uu la ildarnaa u geeriyooday, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan sababta keentay geerida Madaxweynaha.

Shacabka Tanzaaniya iyo siyaasiyiinta dalkaasi ayaa horey u hadal hayay in Madaxweynaha Tanzaaniya  John Magufuli ku dhacay xanuunka Covid-19 ,kaas oo la sheegay in xaalad adag galiyay Madaxweynaha oo horey u xaqiray jiritaanka Covid-19.

Samia Suluhu Hassan oo ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas oo dadweynaha kala hadashay Tv-ga Qaranka ayaa shaacisay geerida Madaxweynaha, waxa ayna sheegtay in Madaxweyne Magufuli u dhintay wadno xanuun.

Sida ku cad dastuurka dalka Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa loo dhaarin doonaa madaxweynaha dalkaas, waxayna dhameystiri doonta xilligii u harsanaa Magufuli oo ah shan sano, maadaama sanadkii hore uu mar labaad ku guuleystay doorashadii guud ee dalkaas ka dhacay.

Madax kala duwan oo daafaha caalamka kala jooga ayaa si weyn uga naxay geerida Madaxweynaha dalka Tanzaaniya, waxa ayna dowlada iyo shacabka Tanzaaniya usoo direen fariin tacsi iyo tiiraanyo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -