Allbanaadir.com
NEWS

Nin la tuhmayo in uu katirsan yahay Al Shabaab oo lagu xiray dalka Turkiga

Ciidamada booliska dalka Turkiga oo kaashanaya hay’adda sirdoonka dalkaas (MIT) ayaa gacanta ku dhigay nin lagu tuhmayo in xiriir la leeyahay kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dalka Kenya.

Wakaaladda Wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu, ayaa baahisay in maanta oo arbaxo ah magaalada Ankara lagu xiray ruux la tuhmayo in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka.

Howlgalka ciidamada booliiska iyo Sirdoonka Turkiga kusoo xireen ninkan ayaa yimid kadib markii maxkamad warqda kasoo qaateen, waxaana ninkan la xiray oo magaciisa la qariyay la sheegay in uu heesto dhalashada dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka.

Warbaahinta Turkiga ayaa ku warantay in baaritaano lagu sameenayo ninkan la tuhmayo in uu katirsan Al Shabaab lana horgeyn doono maxkamad si loogu qaado dambiyo argagaxiso oo lala xiriirinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo gaaray Afmadow, lana kulmay taliye Mahad Islaam (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay lix Nin oo ay Dambiyo ku eedeeyeen (Magcayada)

Cabdi Cade

Daawo:-Muqdisho oo lagu sheegay Magaalooyin aan shacabkeeda iska warqabin (Dhibka iyo rafaadka ka Jira)

admin
Taboola Ads ---