Axmed Madoobe oo codsaday in AMISOM sugto amaanka goobta lagu shirayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya mudane Francisco Madeira.
 
Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo sidii doorashada Soomaaliya ka dhaceysa u noqon laheyd  mid wadar ogol ah.
Axmed Madoobe ayaa ka codsaday Francisco Madeira in ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay sugaan amaanka goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay ee isugu imaanayaan Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada.
Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho u yimid ka qeybka shirka looga hadlayo arimaha doorashada Soomaaloiya iyo muranka ka taagan ayaa wadahadalo kala duwan la qaatay Wakiilo katirsan Beesha Caalmka iyo siyaasiyiin kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -