Dowladda Itoobiya oo Soomaaliya ka taageereysa sidii looga qaadi lahaa Cunaqabateynta dhinaca…

Soomaaliya ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dhinaca hubka ah muddo sannado ah, waxaana dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray dadaal badan ku bixiyeen sidii cunaqabateyn saaran looga qaadi lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda taageero u raadinaya sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta dhinaca hubka, si dowladda dagaal adag ula gasho Al Shabaab una hesho taageero milatari.

Dalka Uganda ayaa horey Soomaaliya ugu taageertay in laga qaado cunaqabateynta hubka, waxaana hadda kusoo biiray dowladda Itoobiya oo dhankeeda taageertay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inay tahay in la qaado cunaqabateynta soddonka sanno saaran Soomaaliya, si ciidamada Soomaaliya awwood ugu yeeshaan soo afjarida Al Shabaab.

Taageerada Itoobiya ee ku aadan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ayaa kusoo aaday, xilli dhawwaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab gudaha u galeen dalka Itoobiya kuna dileen askra badan .

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in bisha November ay u codeeyaan dib u cusboonaysiinta xayiraadda qeyb ka mid ah, taasi oo ay Soomaaliya sheegtay in laga saaro si ay si wanaagsan ula dagaallamaan  Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -