(Sawirro) Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ugu dambeyn lagu aasay Muqdisho

Meydka Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo saaka laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde ayaa ugu dambeyn lagu aasay qeybta dambe ee Masaajid ku yaalla xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid oo marxuumku dhisay horeyna uga dardaarmay in lau aaso

Aaska ka hor marxuumka ayaa salaada janaasada lagula tukaday garoonka Aadan cadde waxaana ka qeyb galay madax fara badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, RW Rooble, Gudoonka labada aqal ee Baarlamanka Somalia, Madaxdii hore ee dalka sida Shiikh Shariif iyo Xassan Shiikh, Siyaasiyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada.

Masuuliyiinta dowlada oo Janaasada ka dib la hadlay warbaahinta ayaa ku dheeraaday doorkii Cali Mahdi uu ka soo qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta iyo xaaladihii adkaa ee uu Qaranka ugu soo shaqeeyey.

Guddigii qaban-qaabada aaska oo ay ka mid yihiin Wasiirka aminga iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u mahad celiyey dhamaan intii ka qeyb qaadatay aaska mamrxuum Cali Mahdi Madaxweynihii hore ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -