Eey uu lahaa Madaxweynaha Mareykanka oo Dabeecad xumo looga saaray Aqalka cad

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa aad u hadal haya ey ay lahaayeen Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykankla Joe Biden iyo marwadiisa oo maalmo kadib laga saaray aqalka cad oo mudo labo bil kayar kunool yihiin.

Eygan ayaa la sheegay in uu la qabsan waayay nolosha ka jirta aqalka cad uuna la yimid dabeecad xumo taa oo la sheegay in ay soo dedejisay in laga saaro aqalka cad laguna celiyo gurigii ay horey u degnaayeen Joe Biden iyo xaaskiisa.

Warbaahinta CNN ayaa ku warantay in eeygan oo nuuciisu yahay German shepherds, markii la keenay aqalka cad uu bilaabay bood bood joogta iyo dabeecad xumo la sheegay in aan horey loogu aqoon.

Waxaa sidoo kale soo dedejisay in eygan laga saaro aqalka cad kadib markii uu qaniinay mid kamid ah ciidamada ilaaliya aqalka cad , eygan ayaana hada dib loogu celiyay magaalada Wilmington ee gobolka Delaware gaar ahaan gurigii hore ee Biden.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la sheegay in eygan uu heestay dhoor sano, waxa uuna noqday eygan xayawaankii ugu horeeyay ee Madaxda Mareykanka keensadaan aqalka cad hadana dib looga celiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -