Ciidamada amaanka oo Baaritaano kawada Xaafadaha Muqdisho (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo baaritaano ah kawada qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho oo looga shakisan yahay in ay joogaan xubno katirsan Al Shabaab.

Xaafado katirsan degmada Yaqshiid ayaa xalay ciidamada amaanka ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah, waxa ayna ciidamada guryaha dhaxdooda ka raadinayeen hub iyo sidoo kale dad la tuhmi karo.

Howlgalada ay wadaan ciidamada amaanka ayaan wali la ogeyn cida lagu soo qabtay, mana jiro wax faah faahin ah ay taliska booliiska ka bixiyeen howlgalkii xalay laga sameeyay xaafadahan katirsan Muqdisho.

Ciidamada booliiska ayaa xira qaar badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, waxa ay sidoo kale ciidamada amaanka baaritaano ka sameeyaan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir si amaanka u xoojiyaan.

- Advertisement -