Dagaal xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Xiisad wali taagan

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya ayaa galabta ka dhacay xaafado katirsan Degmada Dharkeenley gaar ahaan meel ku dhaw Ex-Control Afgooye, waxaana wali taagan xiisad u dhaxeysa ciidamada dagaalamay.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo katirsan Milatariga dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Xasilinta caasimada , waxaana labada ciidan is weedaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo dhacay Gabaldhicii  ayaa  daba socday labo askari oo ku labisnaa dareeska Milatariga Soomaaliya oo maanta Ciidamada xasilinta ku dileen xaafada Xoosh ee Degmada Dharkeenley kana qaateen hubkii ay wateen askartaasi.

Rasaas goos goos ah ayaa wali laga maqlayaa aaga ay ku dagaalameen ciidamadan kawada tirsan dowlada, waxaana halkaasi gaaray gaadiid dagaal iyo ciidamo badan oo katirsan kuwa xasilinta Caasimada, xiisad dagaal ayaan wali laga dareemayaa aaga lagu dagaalamy.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan labada ciidan dhax maray ayaan wali la ogeyn, waxaana dagaalkan uu cabsi badan ku beeray dadka shacabka ah ee kunool aaga lagu dagaalamayo gaar ahaan Degmada Dharkeenley.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -