Ciidamda Qalabka sida ma gudan doonaan waajibaadooda ka saaran dalka, mise ?

Ciidamada Qalabka sida oo loo isticmaalay hab baal-marsan sharciga Dastuurka, laguna caburinayo siyaasiyiinta ka rayiga duwan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa dalka gelisay jawi cakiran oo degnaasho la’aan ah.

Waxaa hoygooda lagu weeraray madax hore, waxaa xabado nool nool lagu riday madax hore oo muddaaharaadeysa, waxaa la dhibaateeyay dibad-baxayaal, waxaa la diiday xorriyadda hadalka taas oo dhalisay in midowga musharaxiintu ay ka aamin baxaan xukuumada xil-gaarsiinta ah, ayna aruursadaan ciidan maleeshiyaad ku heyb ah si ay u sugaan amniga mudaaharaadka ay sheegeen inay dhawaan qabanayaan.

Dastuurka kumleel gaarka ah ee dalka ayaa lagu xusay Waajibaadka ciidamada Qalabka ka saaran badbaadina qarannimada gaar ahaan Cutubka 14aad ee dastuurka Qodobkiisa 126aad, farqadiisa 2, 3 & 4.  oo lagu qeexay

  1. In Adeegsiga Ciidamada Amniga lagu saleeyo sharciga loo dajiyay.
  2. In Ciidamada Qalabka sida uu Xil ka saaran yahay Ilaalinta Gobonnimada, Madaxbanaanida iyo Difaaca midnimada Dhuleed.
  3. In Booliiska Federalka uu mas’uul ka yahay ilaalinta nolosha iyo hantida, ammaanka iyo nabadgelyada muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Qodobka 127aad, Farqooyinkiisa (b), (c) (e) & (f) ayaa qeexaya Dhawrista Talinta Sharciga hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga, U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed iyo in xubnaha ciidamada amniga lagu tababaro dhaqan gelinta Dastuurkan.

Haddii ay dhacdo in xubno ka tirsan ciidamada Qalabka sida ay gabood-fallo xad gudub ah u geeystaan dad rayid ah waxaa dacwadooda lagu qaadayaa Maxkamada Rayidka sida uu qabo Qodobka 128aad ee Ku-tagrifalidda awoodeed.

Dastuurku muxuu Soomaaliya uga dhiganyahay?

Dastuurka qabya qoraalka ah waa kan ay Soomaali kuwada joogto, suurana galiyay in dib leysugu soo aruuriyo dad kala tagay oo muddo kala maqnaa kalsooni darro iyo is aaminaad la’aan soo kala dhaxgashay awgeed, sidaa darteed waa muhiim in lagu dhaqmo si looga baaqsado ku laabashada wadadii mugdiga aheyd ee aan ka nimid.

Maxaa ka dhalan kara haddii Dastuurka Qaranka la tixgalin waayo?

Waxaa lafilanayaa in Dalka uu galo fowdo iyo jahwareer siyaasadeed, taasoo ugu danbeyn isku badali doonto dagaal sokeeye oo u horseeda ummada Soomaaliyeed dib u dhac weyn oo laga soo kaban waayo. Waxaana looga baaqasan karaa in siyaasiyiinta isku wafaqaan nidaam doorasho oo la wada ogol yahay.

Hadii la joogteeyo isticmaalka awoodda ciidanka, waxaa muuqato in Ciidamada Qalabka sida intooda badan oo wali ku dhisan qabiil, ay kala tagaan Askari walbana uu la safto qabiilkiisa, sidaasna ay ugu adkaan doonto Dowladu in ay adeegsato Ciidamada Gor-gor si ay ugu xakameeyso ciidamada xoogga dalka 5tooda Qeybood ee kale oo kala ah Qeybta 12ka April, Qeybta 27aad, Qeybta 21aad, Qeybta 43aad iyo Qeybta 60aad XDS.

Hadii uu yimaado kala shakigaas iyo ciidamadu burburaan, waxaa suuragal ah in Alshabaab ay dib ula wareegaan Mogdishu, dowladnimadii Soomaaliyana ay meeshaas ku dhamaato, Dalku u kala go’o dowlado yar-yar oo mid walbana xariir la sameysato dowlado shisheeye.

Sidee Ciidamada Qalabka ku badbaadin karaan qarannimada?

Hadii saraakiisha ciidanka ay ilaaliyaan dastuurka oo waajibaadka ka saaran ilaalinta dalka iyo dalka ay dabaqaan, kana madax bannanaadaan siyaasad, waxaa xoogeysanaya rejada laga qabo hourmar ballaaran oo dalkeennu gaaro.

Si horumarkaas la hiigsano loo gaaro, looga baaqsado burbur kale, waa in dhiman xubnaha Ciidamada Qalabka Sida ay ilaaliyaan Dastuurka sharciga ah ee u degsan Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo farayo Askari walba in uu xil iska saara Ilaalinta Gobonimada iyo Madaxbaanida dadka iyo Dalka Soomaaliyeed,

Iyada oo la cuskanayo qodobka 127aad waxaa ka mamnuuca ah Askarta Amniga in ay ku lahaadaan dowr ka baxsan dhex-dhexaadnimo arrimaha siyaasada ee dalka ka taagan, Waana in aysan taageero u muujin garab gooni ah.

Waa in ay masuuliyad adag iska saaraan iaalinta Xurmada Madaxda Sare ee Dalka, iyo nabadgalyada Dhismaha Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa anshaxa ciidannimo ka reeban in Askarta Amniga ay gabood-falo xad gudub ah kula kacaan shacabkii ay ka ilaalinayeen cadowga. Sida ku cad qodobka 127aad farqadiisa (a) iyo Qodobka 128’aad.

Waa in Madaxda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ku dhiirro galiyaan Siyaasiyiinta Qaranka in la qabto doorasho lawada ogol yahay, kana fogaadaan in ay isku isticmaalaan Ciidamaada Amniga, si aysan qal amni uga abuurin dalka gudihiisa.

Gunaanad

Sida ay maanta u dhaqmaan ciidanku ayey ku xirnaan doontaa mustaqalka ummadda, waxaana furan oo kali ah inay diidaan damaca kaligii taliyaha doonaya inuu Soomaalida kala doorransiiyo inuu isagu ku fadhiyo kursiga iyo in dagaal sokeeye uu qarxo isna uu markaas diyaarad ka raaco.

F.G qormadan kama turjumeyso aragtida Allbanaadir w

W/Q Hassan N Abudulle 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -