Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo ka tirsan Gorgor oo kasoo laabtay tababar ay ku soo qaateen Turkiga (Sawirro)

Ururka 15aad ee Ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandoska Gorgor ee ciidanka Xoogga dalka oo tababar sare ku soo  qaatey dalka Turkiga ayaa soo gaarey  Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo sarakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hambalyo u diray ciidamada tababarku u soo dhamaaday

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xusay in  DFS ay ku howlan tahay dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, isagoo dowladda Turkiga uga ugu mahadceliyey Taageeradda ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo difaac adag ka galay Markab dagaal oo taagan biyaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Ciidamo cusub oo loo diray Eritrea & doorashooyinka Somalia oo la dardar gelinayo

admin
Taboola Ads ---