Weerar xoogan oo caawa lagu qaaday magaalada Boosaaso iyo xaalada oo kacsan

Kooxo hubeesan ayaa caawa weerar xoogan ku qaaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari gaar ahaan xabsi kuyaala magaaladaasi, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad xoogan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxo hubeesan weerar isugu jiray qaraxyo iyo rasaas toos ah ku qaadeen magaalada Boosaaso gaar ahaan xabsiga magaaladaasi ay ku xiran yihiin dad kala duwan ay ku jiraan kuwa falal argagaxiso loo heesto.

Ciidamada amaanka Puntland ayaana dagaal la galay kooxda hubeesan ee weerarka qaaday, waxaana magaalada Boosaaso laga maqlayay daqiiqado kahor dhawaqa tasaasta culus ay is dhaafsanayeen ciidamada amaanka iyo kooxda hubeesan.

Waxaa wali adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalka caawa ka dhacay magaalada Boosaaso, mana jiro ilaa hada cid sheegatay masuuliyada weerarkan sidoo kale maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin dagaalka .

Xaalada magaalada Boosaaso ayaana xiligan kacsan, waxaana wali meelaha qaar laga maqlayaa rasaas, dadka ayaana guryahooda ku jira ,waxaana dadka magalaada oo inta badan hurdayay ka kiciyay dhawaqa rasaasta.

Waxii warar kasoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -