Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia: Tirada dadka uu soo ridanayo cudurka COVID-19 oo sare u sii kaceysa

Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in 24kii saacadood ee la soo dhaafay laga helay cudurka Coronavirus dad gaaraya 209 qof dalka oo dhan.

“Maanta arbaco ah waxaa cudurka laga helay dad cusub oo tiradoodu gaareyso 209 qof kuwaasoo 140 ka mid ah yihiin rag, halka 69 kalena ay yihiin dumar, waxayna tirada guud ee dadka cudurka laga helay Somalia oo dhan ka dhigeysa 7, 727 qof inta laga warqabo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in 181 ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka ay joogaan Muqdisho, halka Somaliland laga helay 28 kale.

Wasaarada waxay intaas ku dartay in dad gaaraya 11 qof ay 24kii saac ee la soo dhaafay u dhinteen cudurka.

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad ka taagan Dhuusamareeb & ciidamo taabacsan Ahlu suna oo soo dul dagay

Caydiid Ali

Wasiir Cawad oo qaabilay Mohammed Abdiker iyo xubno uu horkacayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Faallada Qodobada Hindis-Sharciyeedka Dembiyada Galmada la Xariira

Cabdi Cade