Allbanaadir.com
NEWS

Shaqaale dhagax ka qodayey tuulo ku taalla dalka K/Afrika oo helay wax aysan fileyn

Boolis ayaa loo daadgureeyay tuulo ku taalla dalka Koonfur Afrika halkaasoo ay dad badan ku sii qulqulayaan si ay dahab uga qotaan.

Duqa degaankaasi Dixie Nciki ayaa sheegtay in dahabkani laga helay tuulada KwaMachi ee gobolka KwaZulu-Natal,toddobaadkii aanu soo dhaafnay.

“Ma aysan helin dhagxaantii ay halkaasi ka qodi jireen balse waxay heleen macdan u eg dhahabka” ayay tiri Nciki.

Dhahabkani ayaa markii ugu horreysay waxaa helay shaqaala dhanka dhismaha ah oo halkaasi ka qodayay dhagxaan.

Warkani ayaa si dhaqso ah u baahay waxa uuna si gaar ah u soo jiitay dadka dahabka iibiya.

Dadka tuulooyiinka ayaa la sheegay inay bilaabeen inay halakasi qodaan habeen iyo maalin si ay dahab uga helaan.

Balse ma cadda in waxa halakasi laga soo helay uu yahay dahab iyo in kale, ayay tiri Dixie Nciki.

Waxa ay intaa ku dartay in sheybaar loo diray waxyaabaha halkaasi laga helay si loo xaqiijiyo in uu dahab yahay iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay Xasan Sufiyaan Qoorey & ilaaladiisa

Caydiid Ali

RW Khayre oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray dhameystirka barnaamijka SMP4

Caydiid Ali

Madaafiic goordhaw lagu garaacay magaalada Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade