Farmaajo oo laga diiday in Ciidamada Danab u adeegsado joojinta Banaan bixii Muqdisho

Wargeyska Washigton Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo ku guul dareestay in ciidamada danab u soo daabulo Muqdisho si uu ugu adeegsado kahor taga banaan baxyada Mucaaradka.

Sarkaal ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab,  ayaa Wargeyska u sheegay in taliyahooda ugu sareeya uu ka codsaday Farmaajo inuu qaar ka mid ah ciidamadooda u soo daabulo Muqdisho si ay uga hortagaan banaan baxyada.

Waxa uu sheegay sargaalkan oo magaciisa sababo amaan u qariyay in Madaxweyne Farmaajo laga diiday codsiga ciidamada Danab uu doonayay in Muqdisho la keeno, mana sheegin sargaalkan cida diiday in Danab la keeno Muqdisho.

Wargeyska Washigton Post ayaa qoray in Madaxweyne Farmaajo fashilinta banaan baxyadii Mucaaradka ka abaabuleen Muqdisho u adeegsaday ciidamada gaarka ah ee tababareen Turkiga ee Haramcad iyo Gor Gor.

Dowlada Mareykanka oo tababarta ciidamada Danab sidoo kale gacanta ku heysa ayaan ogoleyn in ciidankaasi loo adeegsado wax ka baxsan howlgalkooda gaarka ah gaar ahaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaa joojinta banaan baxyo waa weyn ay abaabuleen Musharaxiinta u adeegsaday ciidamada sida gaarka ah ee Haram Cad iyo Gor Gor kuwaa oo weerar ku qaaday Musharaxiinta Madaxweyne qaarkood.

 

 

- Advertisement -