R/W Rooble iyo Musharaxiinta oo gaaray Hotel Decale iyo iyo kulan toos ah oo furmaya

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno la socda ayaa  goordhaw gaaray Hotelka Decale ee ku dhax yaala Garoonka Aadan Cadde halkaas uu kula kulmayo Golaha Midowga Musharaxiinta.

Golaha Midowga Musharaxiinta oo isku aruursaday hotelka Jaziira ayaa dhankooda gaaray Hotelka Decale , waxaana la filayaa in  halkaasi uga furmo kulan toos ah ay wada yeeshaan labada dhinac ee siyaasad ahaan iska soo horjeeda.

Madaxda Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug iyo siyaasiyiin kale ayaa ku guuleestay in ay ka shaqeeyaan isku keenida musharaxiinta iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uga wada hadlaan xiisada siyaasadeed ee ka taagan Caasimada.

Kulankan la filayo in uu dhax maro Ra’isul Wasaare Rooble iyo golaha Midowga Musharaxiinta ayaa looga hadli doonaa rabshadihii jimcihii dhacay iyo sida laga yeelanayo banaan baxa mar kale musharaxiinta abaabulayaan

Lama oga waxa uu kulankan ka bedeli doono xiisada siyaasadeed ee dalka ka taagan gaar ahaan rabshadaha , waxaana kulankan labada dhinac in isugu yimaadaan ku cadaadiyay Wakiilada beesha caalamka.

Waxii Warar kusoo kordha kulankan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -