Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada oo joojisay qabashada Codsiyada baasaboorka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa hakisay qabashada codsiyada baasaboorka Soomaaliya ,kadib markii uu magaalada Muqdisho ku faafay cudurka safmarka ah ee Covid-19 .

Qoraal goordhaw kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay qaadashada iyo dalbashada baasaboorka, waxa ayna Hay’adda sheegtay in dib laga soo sheegi doono xiliga baasaboorka dib loo bilaabayo.

”Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda socdaalka Soomaaliya.

Cudurka Covid-19 ayaa maalmahan kusii faafaya magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii lasoo dhaafay cudurkaasi laga helay boqolaal qof halka ay u dhinteen dad badan oon wali laheyn tiradooda saxda ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -