Shir u dhaxeeya Madaxda DF ,maamulada qaar iyo Beesha Caalamka oo ka socda Villa Somalia

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa xiligan ka socda Shir u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha , Sadex kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Wakiilo katirsan Beesha Caalamka .

Sida aan wararka ku helnay shirkan ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan muranka wali ka taagan doorashada iyo khalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ka maqan madaxda Puntland iyo Jubbaland oo la sheegay in ay aysan wali aqbalin ka qeyb galka shir looga hadlayo arimaha doorashada uu maalmo kahor iclaamiyay in Muqdisho ka dhacayo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo.

Wakiilada Beesha caalamka ayaana la sheegay in masuuliyiinta dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku cadaadinaya in ay isugu yimaadaan shir heshiisna ka gaaraan muranka ka jira doorashada.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -