Saudia: “Dhinacyada Soomaalida waa inay ka fogaadaan ficilada wax u dhimaya Amniga”

Dowladda Sacuudiga ayaa walaac xoog leh ka muujisay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, kuwaasoo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibeda ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay iney aad uga xun yihiin wax ay ugu yeereen qalaalasaha ka dhashay Muqdisho.

“Xukuumada Sacuudiga waxay si qoto dheer indhaha ula raacaysaa xaaladaha isbad-badalaya ee Soomaaliya, waa in xaalada ladejiyo oo aan looga sii darin.” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda arrimaha dibeda ee Sacuudiga.

Dhinacyada Soomaalida ayuu bayaanku ugu baaqay in miiska wadahadalka lagu dhameeyo muranka hareeyay doorashada guud ee Soomaaliya.

Bayaanka oo ay faafisay Wakaaladda wararka Sacuudiga, ayaa sidoo kale dhinacyada Soomaalida ugu baaqay inay isaga fogaadan wax kasta oo wax u dhimaya xasiloonida iyo nabad-gelyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -