Waa Kuma Shaqsiga Awooda badan ku dhax leh Xafiiska R/W Kheyre kana dhax wada Khalalaasaha ?

Xoghayihii Xafiiska Raisul wasaaraha Somalia Maxamed Keynaan oo shaqada looga eryey qaladaad uu sameeyey laguna bedelay masuul kale ayaa waxaa soo baxay shaqsiyaad kale oo ku taagan wadadii uu maray Keynaan sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah.

Xoghayihii joogtada ahaa ee horey looga eryay Wasaaradda arrimaha gudaha, Yaxye Cali Hareeri oo haatan ka mid ah la taliyeyaasha Raisul Wasaare Khayre ayaa la soo sheegayaa inuu xafiiska RW Khayre ka wado howlo ka baxsan Waajibaadkiisa shaqo sida iska hor keen shaqaalaha dhexdooda ah, shaqaaleysiin sharci darro ah, hanjabaad  iyo Musuq-maasuq baahsan.

Markii loo soo wareejiyey Xafiiska raisul Wasaaraha dalka ayaa Mr. Hareeri waxa uu horay u soo kaxeystay shaqaale xigtadiisa ah oo ka tirsanaa Wasaaradda arimaha gudaha, waxaana mid ka mid ah qaab musuq ah loogu magacaabay agaasimaha xafiiska Siyaasadda arintaasoo qeyb ka aheyd buuqii dhowaan hareeyey xafiiska raisul wasaaraha dalka oo ugu dambeyn sababay inuu shaqadiisa waayo Xoghayihii hore ee Xafiiskaas Maxamed Kaynaan.

Hareeri ayaa la sheegay inuu khiyaamay Xoghayaha shaqada laga eryey ka dib markii uu ku qalqaaliyey inuu shaqada ka eryo agaasimaha xafiiska Siyaasadda, kuna bedelo haweeney uu isagu watay.

Xilalka la magacaabay ayaa loo maray wado hareer marsan sharciga shaqaalaha iyo ballanqaadkii Ra’isul Wasaaraha ee ahaa in howlaha dowlada ay ku socon doonaan hufnaan, daah-furnaan iyo cadaalad.

Talaabadan shaqaaleysiinta ayaa dhowr jeer lagala taliyay Yaxye Hareri inuu joojiyo balse waxaa la sheegay inuu ku adkeystay inuu awoodiisa uu ku meel marinayo oo aan loo tartami karin xilkaas oo mushaharkiisa bixiyo Bankiga aduunka ayna lagama maarmaan tahay in qofka qabanayo inuu noqdo shaqsi tartan soo galay.

Yaxye oo aaminsanaa markii xilka laga qaaday Keynaan in isaga lagu bedeli doono, ayaa markii la magacaabay Xoghaye Axmed Nuur ka carooday, waxayna dadka yaqaana sheegeen inuu aaminsan yahay in xilka xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha uu isagu leeyahay ugu danbeynna loo magacaabi doono.

Yaxye oo jecel inuu isku wado shaqooyin badan ayaa hadda gacmaha kula jira shaqooyin ay ka mid yihiin barmaamijka la dagaalanka argagaxisada, Mashruuca Xasilinta, Mashruuca adkeynta iyo horumarinta,  Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha iyo howla kale, isagoo isku haleynaya awooda raisul wasaaraha oo ay heyb wadaag yihiin.

Dhamaan howlahaas oo loogu talo galay in loo kala dhiibo dadkii aqoonta u lahaa ayaa waxaa ku dhacay curyaamin maadaama hal shaqsi uusan isku wadi karin.

Mashruuca ugu daran ee uu curyaamiyay ayaa noqday kan xasilinta oo tan iyo markii uu ku biiray habacsanaan badan laga dareemay.

La taliyaha Xafiiska raisul Wasaaraha Yaxye Cali Hareeri  ayaa sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay xaqiijinayaan inuu faragelin ku hayo maamulka  gobolka  Banaadir.

Yaxye ayaa sidoo kale raadinayaa ku-xigeenka agaasimaha Nabad-Sugidda arintaasoo sidoo kale walaac ku abuurtay Taliyaha Nabad-Sugidda qaranka oo aad u yaqaana Yaxye.

Masuuliyiin culeys siyaasadeed leh ayaa xogta aan heleyno waxay sheegeysaa inay kula taliyeen Ra’isul Wasaare Khayre inuu Yaxye Cali Hareeri ka bedelo xafiiskiisa si uusan ugu tuman sumcadda xafiiska taasoo uu hadda ka fiirsanayo halkii loo wareejin lahaa.

Abdirahman Xuseen Mamaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -