Masuuliyiinta Hirshabelle oo loo qabtay iney 48 saacadood uga baxaan Belad-weyne

Hogaamiyaha maleeshiyo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle Jeneraal Abuukar Warsame (Xuud) ayaa muddo 48 saacadood gudahood u qabtay inay magaalada Beledweyne kaga baxaan mas’uuliyiinta maamulka Hirshabelle.

Jen. Xuud ayaa sheegay in hanjabaadan ay salka ku heyso sidii ay bulshada Beledweyne uga dul qaadi lahaayeen wax uu ugu yeeray dhibaatooyinka uu maamulka Hirshabelle ka geysaneyo magaaladaas.

“Marnaba uma dulqaadan doono in maamulka Hirshabelle uu xad-gudubyo iyo tacadiyo kula kaco dadka shacabka ah ee reer Belad-weyne” ayuu yiri Jen Xuud oo hadalkan jeediyey shalay, iyadoo mudada digniinta uu bixiyey ay ka harsan tahay 24 saacadood.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyey Jen. Xuud iney beegsi gaar ah ku hayso saraakiisha xoogga dalka ee kasoo jeeda gobolkaas, kuwaasoo uu xusay in qaarkood la bedelay.

Boqolaal dadweyne ah oo shalay tagay fariisinka maleeshiyadiisu ku leeyihiin Belad-weyne ayaa taageero u muujiyey Jen. Xuud oo dhowaan ciidamadiisu weerareen ciidamada Maamulka Hirshabelle ee ku sugan Belad-weyne, waxaana dhexmaray dagaal muddo kooban socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -