Ra’isul Wasaare Abiy oo Shuruud la’aan aqbalay baaq uga yimid Midowga Afrika

Waqooyiga dalka Itoobiya waxaa wali ka socda dagaalo dhiig badan ku daateen oo u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogaga Tigrey ee taabacsan jabhada TPLF ,waxaana marar badan guul dareestay dadaalo nabad lagu raadinayay.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Xukuumadda Itoobiya iyo xoogaga TPLF ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed oo colaada xal loogu raadinayo ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka isbuucan.

Redwan Hussein oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay xukuumadda Adis Ababa shuruud la’aan ku aqbasahay baaqa kasoo baxay Midowga Afrika , waxa uuna xusay in diyaar u yihiin wadahadal shuruud la’aan ah.

“Dowladda Itoobiya waxay aqbashay martiqaadkan wadahadallada nabadda kaas oo waafaqsan mawqifkayaga mabda’a ah ee ku saabsan in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka iyo baahida loo qabo wadahadal aan shuruudo ku xirneyn” ayuu kusoo Redwan Hussien kusoo qoray bartiisa Twitterka.

Madaxweynihii hore ee Nageria  Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika ayaa hoggaamin doono wada xaajoodka dowladda Itoobiya iyo TPLF, waxaana ku taageeri doona madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubno kale.

Dowladda Itoobiya iyo jabhada TPLF ayaa horey u sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadalo nabadeed, waxaa haddana soo baxayay oo wadahadalada caqabad ku noqonayay shuruudo adag ay la imaanayeen labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -