Guddigii farsamo ee DF & D/Goboleedyada oo Gudoomiye doortay, lana kulmay.. (Sawirro)

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga ee maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo.

Laftagareen ayaa dardaaran iyo dhiiragelin u jeediyay xubnaha guddiga in shirkooda natiijo wanaagsan ka soo baxo.

Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga Farsamada ee ka socda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa u doortay Shir Guddoon Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac ka dib kulan ay maanta ku yeesheen Baydhabo

Guddigan oo ka kooban xubno ka tirsan DF, dowlad goboleedyada iyo G/Banaadir ayaa shirkooda magaalada Baydhaba, uga arrinsanaya qodobada la isku mari waayey ee fashiliyey shirkii Dhuusamareeb 4.

Xogta laga helay shirka Baydhaba ayaa sheegaya in shirkan ay gacan weyn ku leedahay Beesha Caalamka, iyadoo sidoo kale isku xireysa madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka; waxaana socda dadaal kale oo xal loogu helayo arrinta Gobolka Gedo oo ah tan ugu adag ee hortaagan Doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -