Faahfaahin: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Jowhar & askari ka tirsan AMISOM oo..

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad hubeysan oo maanta ciidamo ka wada tirsan dowlada ku dhexmaray magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Iska horimaadkan oo ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada Hirshabelle ayaa waxaa ku geeriyooday sida la xaqiijiyey askari ka mid ahaa ciidamada Booliska magaalada Jowhar. halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah madaxtooyada Hirshabelle.

Tacshiirad aad u xooggan ayaa la isku adeegsaday iska horimaadkan taasoo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Jowhar waxayna cabsi iyo walaac ku abuurtay shacabka halkaas ku dhaqan, waxaana muddo kooban hakad galay socodka, dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada, gaar ahaan meelaha ku dhow goobta la isku fara saaray.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta dhalisay iska horimaadkan haddana warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu salka ku hayo muran ka dhashay dhul ku yaal magaalada Jowhar oo milkiyadiisa la isku heysto.

Iska horimaadka oo socday muddo kooban ayaa joogsaday ka dib dedaalo ay sameeyeen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe, waxaana degan haatan xaalada magaalada Jowhar sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -