Madaxweyne Farmaajo oon wali ka jawaabin casuumad uu usoo diray Saciid Deni

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa dhawaan ku baaqay in laga soo qeyb galo gogol uu u dhigay Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ee khilaafka ka dhax jiro.

Saciid Deni oo la hadlay shacabka Puntland ayaa sheegay in wali fidsan tahay gogoshii uu u dhigay Madaxda dowlada iyo kuwa maamulada, waxa uuna tilmaamay in ay soo baxeen cabaqabo dib u dhigay in gogoshaasi la isugu yimaado.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in casuumad u diray Madaxda dowlada Soomaaliya balse wali aysan kasoo jawaabin, waxa uuna tilmaamay Deni in Madaxweyne Farmaajo ka sugayaan go’aankiisa ugu dambeeya gogosha uu fidiyay.

Saciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in isku imaatinka  gogosha uu fidiyay dib u dhigayo cudurka Caronavirus oo dhibaato xiligan ku haya caalamka, waxa uuna tilmaamay in aan la ogeyn xiliga halista cudurkaasi meesha ka bixi dono.

“Maadaama adduunku uu khatar ku jiro, lana saadaalin Karin muddada uu soconayo cudurka Corona, waxaa lagama maarmaan ah in arrimaha khilaafka siyaasadeed ee gayiga Soomaaliyeed ka jira la dhameeyo, waa muhiim in la wada shaqeeyo, Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waan u gudbiyay in waqti waliba aan diyaar u ahay dhigista gogosha balse jawaab kama hayo” sidaasi waxaa yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo kamid ah madaxda dowlada federaalka Soomaaliya khilaafka kala dhaxeeyo ayaa gogoshan ku baaqay xili maamulada Jubbaland iyo Puntland oo isbaheysi ka dhaxeeyo uu khilaaf kala dhaxeeyo dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -