Ilhan Cumar oo Dhaleeceyn kala kulantay taageero ay u muujisay Shirkada Hormuud

Gabadha aalkeedu Soomaaliga yahay ee Ilhaan CumarĀ  kana tirsan aqalka congress-ka dalka Mareykanka ayaa dhaleeceyn iyo weerar kala kulantay Wargeyso kasoo baxa Mareykanka iyo Israa’il .

Ilhan Cumar ayaa dhawaan qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku cambaareesay bur burin loo geestay xarun ay leedahay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud,waxa ayna ku baaqday in la ilaaliyo waxyaabaha aas aasiga u ah horumarka bulshada.

Wargeysyada ayaa Ilhan Cumar ku dhaleeceeyay taageerada ay u muujisay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo xarumo ay leedahay marar badan bur buriyeen ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

The Times of Israel oo ah Wargeys kasoo baxa Isra’il oo soo xiganayay warbixinno ay Qaramada Midoobey horey u qortay ayaa Warbixin uu daabacay cinwaan uga dhigay “Ilhaan Cumar waxay si aan qorsooneyn u taageertay urur xumaan ku can baxay”.

WargeyskaĀ Judicial Watch oo isna laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa daabacay qoraal uu ku sheegay in Ilhaan Cumar ay dalbatay in la difaaco shirkad ay sheegeen in uu aasaasay qof mar lagu eedeeyay inuu maalgeliyo argagixisada.

Ilhan Cumar ayaa dhaleeceyntan ay kala kulantay Wargeysyada Mareykanka iyo Isra’il kasoo baxa u muuqda mid siyaasadeesan, waxa ayna horey Ilhan Cumar marar badan dhaleeceyn iyo weerar kala kulantay Warbaahinta u janjeera Yahuuda iyo kuwa kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -