James Swan oo dowlado ay ku jirto Kenya kala hadlay arrimaha doorashada Somalia

Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa xiriir la sameeyay Waddamada Kenya, Ethiopia, Jabbuuti iyo Uganda si uu wax uga waydiiyo aragtidooda Doorashada Soomaaliya.

James Swan ayaa wasiirada arrimaha dibeda ee wadamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ka codsaday  in ay ka qeyb qaataan sidii loo hagaajin lahaa doorashada Soomaaliya, isla markaana  looga  hortagi lahaa doorasho kala qeybsan oo ka dhacda Soomaaliya.

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxa uu bogaadiyey fursadda toddobaadkan tagay uu u helay in uu khadka taleefoonka kula hadlo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha si uu uga dhageysto aragtidooda ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo gobolka xilligan xasaasiga ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska QM ee Somalia.

Waxaa wali soconayaa dadaalada Beesha caalamka iyo kuwa Gobolka ay wadaan si meesha looga saaro dadaala lagu xalinayo khilaafadka ku horgudboon doorashada Somalia

Khilaaf adag ayaa ka taagan qabashada doorashada Soomaaliya, waxuuna hadda xaalku marayaa in Puntland iyo dowladda dhexe ay isku tuur-tuuraan, halka la dhigayo gogosha shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -