Biyo Midab gaduudan leh oo ku fatahay deegaan kuyaala dalka indonesia (Sawirro)

Biyo midabkoodu gaduud ama casaan yahay ayaa ku fatahay wadooyinka deegaan katirsan dalka indonesia , waxaana dad badan layaab ka noqotay midabka biyahan oo qul qulayay wadooyinka deegaankaasi.

Roob xoogan oo ka da’ay deegaankan ayaa sababay in daadad ku dhuftaan warshad dharka lagu nakhshadeeyo oo kutaala deegaankaasi , waxa ayna taasi sababtay in wadooyinka deegaanka ku fatahaan biyo rinji leh gaar ahaan midabka gaduudan.

Warbaahinta dalka indonesia ayaa tabisay in biyo leh midab casaan ah shalay oo sabti ahayd ku qulquleen waddada deegaanka Jenggot ee dhacda bartamaha jasiiradda Java ee dalka indonesia.

Deegaankaasi oo ku yaal koonfurta magaalada Pekalongan, ayaa caan ku ah naqshadeynta dharka lagu aslo ama riinjiyeeyo midabbo kala duwan, iyadoo la adeegsanayo farsamo dhaqameed soo jireen ah oo halkaa laga yirahdo Batik.

Sawirada laga soo qaaday biyaha midabka casaanka leh ee deegaanka qul qulayay ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada , waxaana dadka reer indonesia sawiradan ka bixiyeen faalooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -